+252 90 7798232 Alminhaaj@minhaaj.com

Muqdisho:-Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wassunnah oo maanta bayaan qoraal ah ka soo saartay dilkii naxdinta lahaa ee xalay magaalada Muqdisho loogu geystay Sh. Siciid Qalinle ayaa ku tilmaantay dilka Sh. Siciid Qalinle inuu qayb ka yahay taxanihii lugu bartilmaameedsanayey haldoorka ummadda Soomaaliyeed, waxayna jamaacadu uhgu baaqday dawolada Federalka inay si dhab ah u baarto una soo qabqabato dambiilayaashii geystay dilka.

Jamaacada Bayaankeedu sidaan ayuu u qornaa:-

Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wassunnah waxay tacsi u diraysaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Sh. Siciid Cali Cismaan (Siciid Qalinle) oo xalay salaadii maqrib ka dib lugu toogtay magaalada Muqdisho. Sh. Siciid waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu dambi dhaaf iyo naxariis siiyo, intii uu ka tageyna Samir iyo ajar weyn ka siiyo.

Sh. Siciid wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii ku barbaartay diinta iyo dacwada, wuxuuna dacwada ka sokow kaalin weyn ku lahaa u adeegida bulshada iyo ka shaqaynta danta guud, beryahaan dambena wuxuu kaalin weyn ka qaatay xallinta khilaafaadka iyo colaadaha qabiil ee dalka ka taagan.

Sh. Siciid oo dadka soomaaliyeed u wada dhex ahaa dilkiisu wuxuu nabar ku noqday cid kasta oo aqoon u lahayd, waxaana laga tabi doonaa golayaal badan oo uu xubin firfircoon ka ahaa. Sh. Siciid dilkiisu ma aha wax dadkeena ku cusub ee wuxuu qayb ka yahay taxanihii xasuuqa haldoorka shacabka Soomaaliyeed ee muddaba soo socday.

Jamaacada Al-ictisaam waxay ugu yeeraysaa Dowladda Federalka in baaris dhab ah lugu sameeyo ciddii fulisay iyo ciddii ka dambeysay dilka Sheekh Siciid, caddaaladana la horkeeno. Sidoo kale waxay ugu yeeraysaa cid kasta oo gacan ka geysan karta baarista iyo soo qabashada dambiilayaasha inay ka qayb qaadato intii awoodeeda ah.

Hoos ka eeg Jamaacada Al-ictisaam oo soo saartay tacsi iyo baaq ku saabsan dilkii Sheekh Siciid Qalinle

Golaha Fulinta ee Jamaacada

 

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com