+252 90 7798232 Alminhaaj@minhaaj.com

Waa abbaare labadii kun iyo dhawrkii, waxaan arday ka ahaa khurtuum Suudaan, wuxuu Maraykanku weeraray Afgaanistaan, wuxuuna meesha ka saaray dawladii Daalibaan oo aadka loo jeclaa.

Waxaa is badalay jawiga wadankii aan joogay oo cirka isku shareeray, kacdoonkuna wuxuu gaaray 100%, waxaa meel walba is qabasaday hadalo kulkulul oo xukuumada loo jeedinayo oo lagu canaanayo inaysan waxba qaban, gaar ahaan dhalinyarada waxbarta ayadoo jaamacadihii la joogi waayey, waxaa carada sii labanlaabay koolin baawal oo khurtuum lagu soo dhaweeyey, oo markaa ahaa wasiirka arimaha dibada ee Maraykanka, waxaa kaloo aad wax usii shidayey garabkii Sheekh Xasan Turaabi oo xukuumada aad aad isu hayeen.
Kadib dawladu waxay ku dhawaaqday in galabnimada jimcada ah uu Mustafa Cismaan oo markaa ahaa wasiirka arimaha dibada ee Suudaan uu ardooyinka jaamacadaha la kulmi doono, islamarkaana uu ka hadli doono arinta Afghanistaan.
Anigoo isleh tolow muxuu dadka u sheegi doonaa oo uu ku qancin doonaa? ayaan meeshii tagay.
Markii hadal yar oo kooban uu jeediyey ayuu suaalihii furay.
Kadibna waxaa la waydiiyey sababta ay u garab istaagi waayeen walaalahood Daalibaan. Xataa diplomasi ahaan.
Wuxuuna kusoo gaabiyey jawaabtiisii: garabistaagga aan Daalibaan garab istaagnaa anagana waa na dhibayaa ayagana waxba tari maayo!!!!
Arintii Koolin Baawalna wuxuu uga jawaabay; Allaah baan ku mahadinaynaa inuu nasoo booqday wasiir ameerikaan ah intuu nasoo booqan lahaa kuruus (gantaal) ameerikaan ah, oo mudo dheer aan wadnaha farta uga haynay, horayna naloo ku baabi’iyey.
Intaa kadib jawigii waa dagay si sahlan baana meeshii loogu kala dareeray, kacdoonkiina waa dagay.
Hadaba dawladda waxaa la gudboon inay dadka ka qanciso duruufaha kalifay arinta, shacabkana waxaa la gudboon inay duruufaha ay marayso dawladnimada soomaaliyeed qadariyaan, ogaadaana dad badan oo barooranayaa inaysan qalbi dhagax u naxayn ee ay duulaan ku yihiin dawladnimada curdinka ah.

 

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com