+252 90 7798232 Alminhaaj@minhaaj.com

 

Gaalkacyo:-Kulan looga hadlayay Dardargelinta Dacwada Gobalka Mudug ayaa xalay waxa uu ka dhacay Xafiiska Mu’asasada Al Minhaaj Mudug Ee Magaalada Gaalkacyo.

Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen Xubna ka socday Golaha Shuruuda Mu’asasada Al Minhaaj Mudug oo uu Gudoominayay Dr Aadan Maxamed Cigaal ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa sidii lagu Dardargelin lahaa hawlaha Dacwada Gobalka Mudug.

Ugu horeyn waxaa kulanka lagu daah furey warbixin kooban oo laga dhageystay Gudoomiyaha  Mu’asasada Al Minhaaj Mudug Axmed Maxamed Xirsi Faratooyo Iyo Ku Xigeenkiisa Ustaad C/raxmaan Sheekh Bilaal caad waxayna ka warbixiyeen hawlaha 7bilood ee la soo dhaafay ay mu’asasadu qabatay iyo guulaha ay gaartay.

Dr Aadan Maxamed Cigaal oo ah Gudoomiyaha Golaha Shuurada Mu’asasada Al Minhaaj Mudug ayaa intaasi kadib mahad iyo Bogaadin usoo jeediyay Gudoonka Golaha Fulinta Mu’asasada waxqabadka fiican iyo Guulaha ay gaareen waxa uuna kula dardaarmay inay hawsha sidii laba jibaaraan si loo gaaro hadafka guud ee mu’asasada.

Sidoo kale dr Aadan ayaa waxa uu ka hadlay hababka dacwada loo gaarsiin karo dadka ku sugan goobaha fog fog ee miyiga iyo in sidoo kale sare loo qaado weyneynta kitaabka alle S.W.

Shariif Maxamed Xuseen oo xubin ka ah Golaha Shuurada Mu’asasada Al Minhaaj Mudug oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Dacwada Soomaaliya gaar ahaan Gobalka Mudug,waxa uuna kula dardaarmay Gudoonka Sare ee Golaha Fulinta in ku dadaalaan sidii ay udardargelin lahaayeen hawlihii Dacwada bacdamaa Bishii Ramadan oo ahayd bil Cibaado ay soo dhamaatay.

Si kastaba ha ahaatee kulankan oo ahaa mid lagu Dardargelinayo hawlaha Dacwada Gobalka Mudug ayaa dhammaan masuuliyiintii kasoo qeybgalay waxay isla garteen in kulamada noocaan ah ee dhiiragelinta ah la joogteeyo si looga dhabeeyo hadafka iyo Himilada ay xambaarsantahay Mu’asasada Al Minhaaj Mudug.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com