Gaalkacyo:- Mu’asasada Al Minhaaj Mudug ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ka bilowday Dawro loogu talagalay qeybaha kala duwan Bulshada taasoo sare loogu qaadayo Aqoontooda.
Dawradan oo soconeysa mudo seddex cesho ayaa waxaa bixinayay Dr Shaafici oo ah Maamulaha Jaamacada Salaama ee Fadhigeedu Magaalada Muqdisho waxaana ka faaideysanaya Aqoonyahiin isugu jirta Ragg Iyo Dumar.
Xalay oo ahayd Habeenkii ugu horeeyay ee dawrada ayaa waxaa cinwaan looga dhigay ‘’Maamulida Waqtiga ‘’waxaana Dr Shaafici uu la wadaagay kasoo qeybgalayaashii Tababarka Macluumaad balaaran oo qofka ka saacidaya sidii uu ilaalin lahaa waqtiga .
Dr Shaafici ayaa sidoo kale kasoo qeybgalayaashii Dawrada waxa uu la wadaagayay Su’aalo Iyo Tusaalooyin ku aadan Maareynta Waqtiga isagoona dhextaalo uga dhigayay mawduuciisa qisooyin badan oo laga dhaxlay maareynta Waqtiga.
Aqoonyahaniintii ka faa’ideysanaysay dawrada oo qaarkood la hadlay website www.alminhaaj.com ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kasoo qebgalka Dawradan waxayna mahad iyo Bogaadin usoo jeediyeen Maamulka sare ee Mu’asasada Al Minhaaj Mudug oo iyagu isku hawlay qabsoomidda Dawradan qiimaha badan.
Dawradan ayaa qeyb ka ah Tababaro dhowra oo ay Mu’asasada Al Minhaaj Mudug ay soo qaban qaabisay kuwaasi oo loogu talagalay inay faa’ideystaan Qeybaha kala duwan Ee Bulshada ku dhaqan Gobalka Mudug.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al Minhaaj Mudug